Home » Wararka Maanta » Aragtida kowaad Anushka Shetty filimkeeda Bhaagamathie oo baraha bulshada qabsaday

Aragtida kowaad Anushka Shetty filimkeeda Bhaagamathie oo baraha bulshada qabsaday

Atirishada Anushka Shetty maanta waa maalinteeda madaama ay 36-sano jirsatay waxaana si hordhaca ah loo soo bandhigtay aragtida kowaad filimkeeda cusub Bhaagamathie.

Kadib guushii taariikhiga ahaa ee Baahubali 2 gaaray xidigtaan wey xasishay mana la imaanin mashruuc kale waxaana loo qabaa xiiso waali ah in filimkeeda xiga la daawado.

Sidaa darteed filimka Bhaagamathie hadal heyntiisa aragtida kowaad ee laga soo bandhigay ayaa baraha bulshada qabsaday madaama Anushka Shetty sawirkaan gaar u yahay, waxaana la xaqiijiyay in 18-kiilo ay iska dhintay miisaankeeda si ay filimkaan u sameyso!

Anushka waji karti iyo awood ka muuqato ayaa laga soo bandhigay filimkeeda Bhaagamathie waxaana Director ka ah G Ashok oo lagu xasuusto filimadiisa hirgaleen Pilla iyo Jamindar.

Madaama Anushka Shetty atirisho Hindiya oo dhan aqoonsi ka heshay noqotay filimkeeda Bhaagamathie waxaa lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Tamil, Telugu iyo Malayalam.

Marka laga soo tago Anushka filimkaan waxaa wax ka jilayaan Aadhi Pinisetty, Unni Mukundan iyo atooraha reer Malayalam Jayaram.

Filimka Bhaagamathie waxaa si hordhac ah loo sheegay in cabsi, qayaano iyo shactiro isku jiro inuu yahay waxaana la daawan doonaa inta lagu guda jiro afarta bilood ee ugu horeyso 2018.