Gabadha soo saaraha ka ah ka musal salkia hirgalay Naagin Ekta Kapoor waxay si rasmi ah shaaca kaga qaaday in Naagin 4 lasoo gaba gabeen doono sidoo kalena la diyaariyay sheekada musal salkan qaybtiisa 5-aad ee Naagin 5 inta Hindiya bandowga ku jireen dhawaana duubis lagu bilaabi doono.

Dhamaan hogaamiyaasha Naagin 4 sida Nia Sharma, Vijayendra Kumeria, Rashami Desai waxay ku farxeen in Eka Kapoor ku dhawaaqday sameynta Naagin 5 lagana howl gali doono marka ay xaalada caadi kusoo laabato sidoo kalena taageerayaasha musal salkan ku xiran waxay sugayaan bilaabista qaybta 5-aad ayadoo qaybta 4-aad si deg deg ah loo soo gaba gabeyn doono.

Haddaba aragtida kowaad ee Naagin 5 ayaa lasoo bandhigay waana kaartada ama sawirka hoos idin kaga muuqdo lamana garan karo gabadha hogaamiyaha ah qaybtan balse taageerayaasha musal salkan ku xiran waxay bilaabeen dood ku aadan in Dipika Kakar Ibrahim ama Hina Kha midkood tahay gabadha kaartada hoose ka muuqato sidoo kalena hogaamiye ka noqon doonto Naagin 5.

Haddaba aqriste haddii aad ku xiran tahay musal salkan hirgalay Naagin 5 ma waxaa hogaamiye ka noqon doonto Dipika Kakar Ibrahim ama Hina Kha?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here