Rekha oo lagu tilmaamo mid kamid ah haweenkii ugu soo jiidashada badnaayeen shirkadaan waxaa nolosheeda so mareen Ragg dhowr ah oo ay xiriir lasoo yeelatay midkii ugu caansanaa xiriiradaas waxay la yeelatay Mega Star Amitabh Bachchan.

Inkastoo la isku xaman jiray ayna iska fogeen jireen xiriirkan hadana waxaa jirtay xiliyo qaar Rekha dadka u sarbeebi jirtay jaceylka ay Big B u qabtay waxaana dadka cadeen ugu filneed wareysiyada ay bixin jirtay.

Mid kamid ah wareysiyadii hore waxa lagu weydiyay aragti ahaan Big B waxay ka aaminsantahay sida shaqadiisa, quruxdiisa iyo inee jeceshahay iyadoo ka hadleysa xirfadiisa waxay tiri.

“Kahor Bollywoodka ayaa taageeri jiray mudane Amit markuu saxiixday Filimka Do Anjaane si uu iila sameeyo ma aqaan saan noqday farxad aawgeed ileen riyo ii rumowday ayee ii ahed wuxuu ahaan jiray wiil gabdhaha qalbiga ka xado quruxdiisa iyo Style-kiisa anigana iyagaa lamid ahaa.”

“Nafteyda ayaa suaalay oo waxaan is iri sidee qof insaan ah sidan dhan ugu qibrad badnaan karaa waligey ma arag qof ka qibrad badan kana xirfad wanaagsan Amitabh Bachchan waa nin aan la heli karin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here