Inaba caadi ma ahan sida Filimka Good Newwz kaga faaideystay fasaxii sanadka cusbaa ee shalay oo arbaco ahed ku beegnaa waxuuna keenay 22.50 Crore (Trade Figure) waana ganacsi taariikhi ah iyo Arbaco aan la ilaawi doonin.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 116 Crore mudo lix maalmood ah 65 Crore seddexdiisa maalmood ugu horeysay ayuu keenay halka 51 Crore seddexdii maalmood ku xigtay uu keenay asigoo ka faaidestay fasaxyadii jireen.

Mashruucan hader waxuu kudhow yahay inuu Super Hit noqdo balse si rasmi ah waxaa loo xaqiijin doonaa ganacsiga uu jimcadiisa labaad sameyn doono halkaaso laga qiyaas qaadanaayo haduu Super Hit yahay iyo hadii kale.

Dhanka kale maanta oo Khamiis ah hoos udhac ayuu la kulmi doonaa maadama shalay fasax weyn jiray balse todobaadkiisa kowaad 125 Crore wuu keeni doonaa hubaal ahaan hoos kaga bogo 6 maalmood gudaha hindiya ganacsigu ka sameeyay soona daabacday BOI:

Jimco: 17.50 Crore

Sabti: 21.50 Crore

Axad: 26 Crore

Isniin: 13 Crore

Talaado: 15.50 Crore

Arbaco: 22.25 Crore

Wadarta Guud: 115.75 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here