Kooxda kubadda cagta Manchester United ee ka dhisan cariga England waa mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta waxaana maalin kasta laga qoraa warbixino la xiriiro kubadda cagta.

Waxaan maanta idiin kaga heynaa warbixin layaab leh oo laga qoray kooxdaan taasoo la xiriirta mudadii uu firnaa suuqa kala iibsiga cayaartoyda.

Tan iyo bishii November sanadkii hore oo haatan laga joogo 3 bilood waxaa kooxda Manchester United lala xiriiritay 113 cayaartooy.

Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay 113daas cayaartooy ee Manchester United lala xiriiriyay iney kasoo kala jeedaan 5ta qaarad aduunka waxayna ku kala suganyihiin 39 dowladood oo caalamka ka dhisan ayagoona usoo kala cayaaro 62 koox oo aduunkaan ka dhisan.

Cayaartoydaas ayaa u kala baxaan kana kala cayaaraan boosaskaan;

2 cayaartooy waa Goolhayeyaal.

21 cayaartooy waxay ka cayaaraan booska daafaca.

45 cayaartooy waxay ka cayaaraan khadka dhexe kubadda cagta.

45 cayaartooy soo hartayna waxay ka cayaaraan weerarka.

Ugu dambeyn United ayaa lasoo wareegtay 3 cayaartooy waliba midkood amaah yahay kuwaasoo kala ah Goolhaye, Khad dhexe iyo weerar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here