Home » Nolosha Jilaayaasha » Arin naxdin leh: Hema Malini beerteeda waxaa soo galay Haramcas argagaxna abuuray

Arin naxdin leh: Hema Malini beerteeda waxaa soo galay Haramcas argagaxna abuuray

Atirishada Bollywood-ka ugu guulaha ugu badan uguna awood badan taariikh ahaan Hema Malini oo haatan xil dhibaanad qaran ah waxaa la sheegay in beerteeda weyn uu soo galay Haramcas.

Degmada Goregaon ee dhacdo duleedka magaalada Mumbai ayay Hema Malini ku leedaha beer weyn oo dalag kasoo go’aan sidoo kelan lagu nasto aqalo waa weyna ku yaaliin.

Waxaa la xaqiijiyay in maalintii Khamiista uu beeran gidaarkeeda jooga sare ah kasoo booday bahalka xawaarihiisa aadka u sareeyo Haramcas-ka waxaana duubtay kaamirada qarsoon CCTV balse cidna dhibaato uma aysan geesanin.

Shanqarta xooga badneyd waxaa dareemay waar diyaha beerta kaasi oo soo qaatay ul weyn laakiin nasiib wanaag Haramcaskii beerta wuu kasii baxay lama yaqaan halka uu sii aaday!

Waa markii labaad ee sidaan dhacdo waayo sanadii 2011 ayaa Haramcas beerta Hema Malini soo galay kadibna usii baxday keyn ku taalo aga agaarka beerta Hema ku leedahay deegaanka Goregaon.

Waaxda ilaada duur joogta Hindiya ayaa soo gaareen beerta Hema Malini waxayna ku sameeyeen baaritaan dheeraad ah sidoo kalena waxay dabagal ku hayaan bahalka Haramcaska oo dad dhibaato u geesan karo.

2 Responses to Arin naxdin leh: Hema Malini beerteeda waxaa soo galay Haramcas argagaxna abuuray

  1. mussab Reply

    January 14, 2018 at 3:11 pm

    Waar sxb zakariye bahalka harmacad ayaa la dhahaa ama hariimacad Lkn haramcas ebedkay ma maqlin meel cas ama gaduudana bahalkan malaha marka magacan intee looga yaqaan haram cas ka

    • Zakarie Abdi Reply

      January 14, 2018 at 3:13 pm

      Haha haha sxb Af Soomaaliga saxda ah hadii aan adeegsan waan cudur daaranayaa, laakiin hadii aan bahalka isla fahanay waa ok qaladkeyga xageyga hadii yahayna wan ka xumahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *