Macquul ma ahan Akhil Akkineni iyo Naga Chaitanya Akkineni waxay diyaar u yihiin aabahood Superstar Nagarjuna Akkineni inay tiyaatarada Telugu kula hardamaan xagaaga nagu soo fool leh weliba sedexdan atoore mid walbo filim u gaar ah ayuu wataa sida haatan Koonfur Hindiya kaga hadal haayo qoyska reer Akkineni waa isku dul jabi doonaan haddii go’aan kale aysan qaadanin.

Ruug cadaa Nagarjuna waxaa u diyaarsan filimka Wild Dog oo duubistiisa la dhameestiran waxayna qorsheenayaan kooxda iska leh xagaaga nagu soo fool leh inay masraxa saaraan, sidoo kale wiilkiisa weyn Naga Chaitanya isagana waxaa u diyaarsan filimka lagu magacaabo Love Story oo isagana ah mashruuc jaceyl.

Yaraanka qoyska reer Akkineni wiilka lagu magacaabo Akhil isagana waxaa u diyaarsan filimka hadal heynta xoogan xambaarsan Most Eligible Bachelor waana filim la doonayo in wiilkan awood ku yeesho sidoo kalena fanka Tollywood uu ku sal dhigto.

Warar dheeraad ah waxay sheegayaan in sedexdan filim soo wada bixi doonaan todobaadka ugu dambeeyo bisha April ama dabyaaqada bisha April balse waxaa la isla dhex maraa in la kala weecin doono isku dhacdooda xitaa waxaa macquul ah in todobaadyo isku xig xigaan tiyaatarada la saaro ilaa bartamaha bisha May laga gaarayo xitaa arinkaas dan uma ahayn qoyskan madaama u fiicnaan laheyd filim walbo labo todobaad firaaqo ah inuu helo ugu yaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here