Arin xiiso badan Tiger Zinda Hai oo maanta ganacsiga PK ka talaabsan doono iyo ganacsigii uu shalay sameeyay

Mega Star Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai maanta ayuu si rasmi ah kaga talaabsan doonaa iskoorka lacagaha filimka PK oo ah haatan filimka sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay aflaanta Af Hindiga lagu daawaday.

TZH haatan 10 Lakh ayuu ka hooseeyaa ganacsiga PK kaasi oo keenay sanadii 2014 lacago gaarayo 337.72 Crore (Trade Figure) sida keedka Boxoffice India ku diiwaan gashan.

TZH waxay ku qaadatay 41-maalmood inuu ganacsiga PK gaaro waa hadii aan xisaabta ku darno maanta oo arbaco ah ganacsiga uu sameyn doono kuna dhaafi doono filimka PK.

TZH ganacsigiisa guud wuxuu ku istaagi doonaa 339 Crore qiyaasta hada muuqato waxayna ahayd arin aan macquul ahayn sideed ilaa sagala maalmood ka hor markii la hadal haayay in tiyaatarada ku hardami doonaan filimada Padmaavat iyo Padman hadii midaas laga baaqday iyo gobolada Padmaavat laga ganaaxay ayaa siweyn kaga caawisay inuu TZH ganacsigiisa iska sii wato.

TZH waa filimka Action-ka ugu weyn ee taariikhdan casriga ah Hindiya sameeyaan mana dhicin filim Action ah in sidaan tiyaatarada ugu daaho ganacsigiisana uu gaaro heer uu iskooro badan ka talaabsado waxaa meesha ku jirto awooda Salman Khan (Salman Khan Power) oo haatan halka ugu sareesay taagan.

Fadlan hoos kaga mudo 40-maalmood ah TZH ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay:

Todobaadka kowaad – 206.04 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 85.41 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 27.34 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 10.87 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 5.83 Crore (Rasmi)

Jimco Lixaad – 65 Lakh

Sabti Lixaad – 45 Lakh

Axad Lixaad – 55 Lakh

Isniin Lixaad – 25 Lakh

Talaado Lixaad – 20 Lakh

Todobaadka Lixaad – 2.15 Crore (Mudo 5-maalmood)

Wadarta Guud – 337.62 Crore (Trade Figure) (Qiyaas ahaan)

1 Comment

  1. Filimkaan Waa Heer Sare Haduuba Pk Dhaafi Rabo Waxaan U Xiisay Aflaantii Bhajrangi Bhaijaan Oo Kale Sheekooyinkaas Oo Kale Ayaa U Fiican Salman Khan Inuu Sameeyo Sida Amir Khan Oo Kale

Comments are closed.