Inta badan jilaayaasha Bollywood-ka iyo shaqsiyaadka caanka ah ma jeclo marka ay goobaja bulshada ka dhaxeyso joogaan inay taageerayaashooda la fal galaan waayo dhawaanahan waxaa soo badaneesay arin ah in jilaayaasha caanka ah la handado, la canjuujuubo ama waxa ay wataan cariiriga la galiyo awgeed laga qaato!

Balse atooraha caanka ah Bobby Deol wuu nasiib badan yahay xili uu Airport-ka Mumbai ka bixi rabay wuxuu la kulmay labo ka mid ah taageerayaashiisa waxaana la yaab ku noqotay xushmad middii ugu weyneed dhanka dhanka Hindiga ah u muujiyeen madaama mid ka mid ah Bobby lugaha ka qabsaday isagana waxay ku noqotay la yaab kadib wuxuu ka aqbalay sawir inuu la galo madaama ay xushmad aad u weyn u muujiyeen.

Dhacdadan ayaa noqotay in mid baraha bulshada lasoo dhigay oo xitaa muuqaal kooban Video laga soo qabtay sida aad hoos ka daawan kartiin waana arin hadal heynteeda siweyn haatan u taagan tahay ayadoo taageerayaasha Bobby Deol xushmada u muujiyeen reer Hindi siweyn u amaanayaan.

Dhinaca shaqada Bobby waxaa tiyaatarada u saaran filimka Housefull 4 oo HIT weyn u noqday sidoo kalena waxaa usoo socdo filimka sida Online-ka ah loo daawan doono ee taxanaha ah lagana daawan doono Netfilex ee lagu magacabaabo Class 83 waxaana maal galinaayo mashruucan SRK iyo shirkadiisa Red Chillies Entertainmen wuxuuna Bobby ku jilaa filimkan askari mayal adag oo dhibaatooyin badan oo halis ah xalin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here