Hollywood Superstar Tom Cruise todobaadkan todobaad wanaagsan uma ahan madaama ciwaano isaga dhibaayo soo daabaceen warbaahinta caalamka ee arimaha fanka ka hadlaan waxaana lagu heestaa qaabka uu ula dhaqmay shaqaalihiisa kala shaqeenayaan filimkiisa la wada sugaayo Mission: Impossible 7.

Marka hore waxaa si xatooyo ah loo faafiyay cod laga qabtay goobta ay ka socoto duubista filimka Mission: Impossible 7 wuxuuna codkan quseeyaa xili Tom Cruise uu canaanayo weliba si kulul qaar ka mid ah shaqaalaha filimkiisa oo shuruucda COVID-19 jebiyeen sidoo kalena ugu hanjabaayo in xitaa shaqada uu ka racadeen doono madaama uu soo saarayaasha taxanahan ka mid yahay.

Codkan goobta laga soo duubay ayaa labo daqiiqo iyo bar inta badana waa codka Tom Cruise oo aad u xanaaqsan oo shaqaalihiisa si adag u canaanayo waxaana la sheegay in afar ka mid ah kooxda filimka wax ka sameeneyso inay goobta isaga tageen una dul qaadan waayeen hab dhaqanka Tom.

Sida shabakada The Sun daabaceyso Tom Cruise wuxuu ka xun yahay shaqada gudaha ka socoto in banaanka loo bixiyo oo weliba asigoo qodob sax ah ku taagan ilaalinta shuruucda karoonaha loo dejiyay kooxdiisa sharcigaas jebisay iska canaanayo in codkaas la duubo kadibna banaanka loo gudbiyo ayuu Tom ka xumaaday haatana gabi ahaanba wuxuu hakiyay ama joojiyay duubista filimka Mission: Impossible 7 waxaana la kala aaday fasaxa feestada Ciida Masiixiga iyo sanadka cusub.

Tom Cruise haatan qoyskiisa ayuu dalxiis nasiino dhankaas iyo Dubia ugu raacay wuxuuna rabaa buuqan inuu kasoo nasto balse qaar ka mid ah jilaayaasha Hollywood-ka ayaa hab dhaqankiisa dhaliileen inuu shaqaalihiisa ugu hanjabo shaqada ka racadeenayo halka qaar kalena ay garab istaageen sida ruug cadaa George Clooney oo warbaahinta u sheegay inuu fahmi karo xanaaqa Tom iyo culeeska heesto madaama waqti iyo qarash xoogan ku socdo wuxuu diidan yahay in carqalad ku imaado duubista filimkiisa madaama goobaa filimada lagu duubayo si lama filaan ah kormeer ugu imaadaan qolyaha ka hortaga karoonaha qaabilsan kadibna ganaax culus Tom iyo kooxdiisa la kulmi karaan haddii aysan si joogto ah u hirgalin sharciga ka hortaga karoonaha marka goobaha shaqada la joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here