Aparna Dixit waa mid kamid ah atiriishooyinka caanka ka ah Tv-yada India waxay sameysay taxanayaal kala nooc ah musalsalkeeda hader Tv-yada laga daawado waa Bepanah Pyaar kaaso ay kujileyso doorka Baani waana doorkeeda ugu caansan waayahan ee xidigtaan haderna asd loola jaan qaaday.

Macluumaad kusaabsan atiriishadan musalsalada sameysay ayaan idiin kaga soo diyaarinay hoos kaga bogo:

Qodobka 1-aad: Magaceeda dhabta ah waa Aparna Dixit waxayna ku caan tahay magaca Apu waa atiriisho hindi ah una dhalatay dalkaas.

Qodobka 2-aad: sanadii 2013 ayee noqotay atiriisho musalsada ama taxanayaasha hindiga ah sameyso taxanaheeda ugu horeeyay a waxuu ahaa Mahabharat oo ay kujishay doorka Ambika.

Qodobka 3-aad: Waxay dhalatay 20 October 1991 sidaa aawged hader waa 28 jir walina aan la guursanin waxayna heesata diinta Hinduga.

Qodobka 4-aad waxbarashada ilaa jaamacad heerka kowaad ah ayee gaartay waxayna baratay Science-ka iyo Physics-ka hal wiil ayaa la dhashtay oo lagu magacaabo Agam Dixit.

Aparna dixit

Qodobka 5-aad: xidigtaan xantii laga qoray waxaa kamid ah inee xiriir qarsoodi la lahed ninka xaaslaha ah misane musalsalada dhankiisa ka sameyaa ee Arjun Bijlani sheekadoodana waxay soo shaac baxday intii lagu sugnaa xaflad Mumbai ka dhaceysay hada kahor laakiin Arjun waxu sheegay gabadha caawinaayey kaliya maadama qamriga ay iska badisay xanta la sheegayna wax kama jiraan ayuu ki tilmaamay isagana waa xaasle.

Qodobka 6-aad: Qamriga ayee cabtaa waana balwadeeda ugu weyn waxayna badsataa qamriga xiliyada munaasabadaha jiraan sida xafladaha iyo wixii lamid ah.

Qodobka 7-aad: Jilayaasha Bollywood-ka ay ka taageerto waa seddex kala ah Ranbir Kapoor, Deepika Padukone iyo Kareena Kapoor si fudud waxaa loo dhihi karaa reer Kapoor ayee jeceshahay dhanka fanka inkasto Deepika ka marneen.

Qodobka 8-aad: Filimka ah Bollywoodka ugu jeceshahay waa Jab We Met ee Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor sameyeen mida kale waa atiriisho eey leh oo qolkeeda jiifka xitaa la seexdo eey yar oo ay leedahay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here