Arjun Kapoor Iyo Ayushmann Khurrana Oo Internet-ka Gil Gilayaan Maadama Sawiro Selfie La Galeen Halyeeyga Kubada Cagta Christiano Ronaldo!!

Markii hore waxuu ahaa Arjun Kapoor oo aan idiin la wadaagnay kaaso sawir Selfie ah la galay ciyaar yahanka caanaka ah ee Ronaldo kaaso ay ku kulmeen caasimada Madrid ee dalka Spain.

Markaana waa Ayushmann Khurrana oo dhankiisa kulankan ka qeyb galay waqtina la qaatay ciyaar yahankan sido kalena sawiro Selfie ahna goobta ku galeen.

Arjun ayaa la sheekestay Ronaldo isagoo in badan kooxdisa Real Madrid wax ka weydiyay iyo xili ciyaaredkeda sido kale waxuu u rajyey nasiib wacan fiinalaha Champion-ka ee Real la cayaari doonto kooxda Liverpoorl.

Ayushmann waxuu ka sheekeysay fanka iyo aflaamta oo uu oga sheekeyega Ronaldo waxuuna ka codsaday hadii uu fursad helo inuu daawado aflaamta Bollywoodka, dhanka Arjun sidan idiin sheegnayba waa safiirka La Ligaha Spain ee hindiya u qaabilsan kaaso xayeysiin balaaran u sameyn doono horyaalkan si dad badan u daawadan oo hindi ah.