Home » Nolosha Jilaayaasha » Arjun Kapoor Oo Kulan La Qaatay Ciyaar Yahanka Weyn Ee Christiano Ronaldo Xili Caasimada Madrid Ku Sugnaayen!!

Arjun Kapoor Oo Kulan La Qaatay Ciyaar Yahanka Weyn Ee Christiano Ronaldo Xili Caasimada Madrid Ku Sugnaayen!!

Arjun Kapoor waa atoore Bollywoodka katirsan hadana aad u jecel daawashada iyo ciyaarida kubada cagta waxaana laga dhigay safiirka xayeysiin usameynta horyaalka Spain ee gudaha hindiya.

HoryaalkaSpain ee La Ligaha loo yaqaan ayaa xayeysiin gudaha India loogu sameyn doona si dad bada oo hindiya ah u daawadan waxaana xayeysiintaan usameynaayo Arjun Kapoor oo masuuliyadas la saaray.

Hadaba Arjun ayaa gudina kulan kula qaatay caasimada Madrid ee dalka Spain waxuuna halkaas kula kulmay ciyaar yahan weyn Ronaldo oo ay in badan waqti wada qaaten.

Sawirkaan sare idiin kaga muuqdo aye wada galeen labadooda waliba Ronaldo ayaa kulanka Arjuna aad ugu faraxsana maadama Arjun aqbalay xayeysiin usameynta horyaalka Spain sido kale Arjun dhankiisa waxuu Ronaldo u rajeyay nasib wacan Champion-ka Finalka ay Real Madrid la cayaari doonto kooxda Liverpool dhamaadka bishaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *