Home » Bollywood News » Arjun Kapoor oo markale la shaqeyn doona adeerkiis Anil Kapoor, wuxuuna qaatay booskii Salman Khan!

Arjun Kapoor oo markale la shaqeyn doona adeerkiis Anil Kapoor, wuxuuna qaatay booskii Salman Khan!

Qeybtii labaad ee filimka shactarada ah No Entry ayey Bollywood-ku sameyn doonaan, waxaana loo bixiyey magaca No Entry Mein Entry.

Salman Khan ayaa diiday inuu ka qeyb noqdo mashruucaan, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu hogaamiye ka ahaa qeybtii koowaad ee filimka No Entry. Warbaahinta India ayaana sheegeysay in lagu bedeli doono Akshay Kumar.

Si kastaba ha ahaatee, muran kama taagneyn inay Anil Kapoor iyo Fardeen Khan kasoo muuqan doonaan qeybta labaad ee No Entry Mein Entry.

Haatanse, wararka ayaa waxay sheegayaan in Arjun Kapoor uu ku biiri doono mashruuca No Entry Mein Entry, isla markaana uu markale la shaqeyn doono adeerkiis Anil Kapoor.

No Entry Mein Entry waxaa maalgelinaya Boney Kapoor oo ah aabaha dhalay Arjun Kapoor, markii arrintaan wax laga weydiiyeyna wuxuu daaha ka qaaday inay weli shaqada wadaan isla markaana ay dhowaan soo gudbin doonaan liiska jillaayaasha filimkaan.