Home » Nolosha Jilaayaasha » Arjun kapoor Oo Shaaca Ka Qaaday Gabadha Uu Jecelyahay Tolow Ma Atirishaa?

Arjun kapoor Oo Shaaca Ka Qaaday Gabadha Uu Jecelyahay Tolow Ma Atirishaa?

Arjun oo kamid ah xidigaha dhalinta Bollywoodka waxuu kusoo caan baxay filmkii Ishaqzaade kaaso uu ku hantaay shacbiyad balaarana daawadayaashana kaga heleen bandhigiisa wacan inkastoo wali aqoonsigii uu rabay uusan gaarin.

Arjun Kapoor ayaa baraha bulshada ku shaaciyay haweeneyda uu jecelyahay sido kalena ma ahan gabar ka tirsan Bollywoodk hadana waa mid caan ah.

Hadaba haweyneydan cidkale ma ahan waa atirishada caanka ah ee katirsan shirkada Hollywoodka Charlize Theron waxuu Instagram-kiisa maanta soo dhigay sawirkeeda isagoo soo raaciyay oraahda ah “waxaan jeclahay haweyneydan” taaso dadkii dhan kuwada mashquleen.

Charlize kaliya ma ahan atirisho ee sido kale waa film qarash gareeso hadaba Arjun hadalkiisa ma kaftan iyo taageeronimo ayuu ula jeeday mise si dhab ah ayuu u jecelyahay jawaabtaas isaga laga sugaa inta kahoresana saxaafada ka doodi doonto.