Atooraha caanka ah ee ku dhawaad 20-sano fanka Hindiya ka tirsan Arjun Rampal oo Soomaalida qaarkood u yaqaaniin Gooraf ayaa dowlada Hindiya siweyn ugu dhaliilay inay dib u furtay dukaamada ama koobaha qamriga lagu iibiyo kadibna dad badan ay kusoo xoomeen xili haatan bandow lagu jiro.

Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay sawiro dukaamada qaarkood oo dadka isku dilayaan sidii ay qamriga u iibsan lahaayeen xili qof walbo shuruucda caafimaad jebiyay oo uusan soo xeranin maasgarada sanka iyo afka daboosho iyo gacmaha galoofis la gashto sidoo kalena dadka aysan isku soo dhawaanin siweyn ayaana arinkan loogu dhaliilay booliska Hindiya inaysan waxba ka qabanin.

Arjun Rampal oo muuqaal baraha bulshada soo dhigay wuxuu yiri “Waa sharaf dhac iyo fowdo muuqato in dib loo furo dukaamada qamriga lagu iibiyo xili dalka bandow ku jiro sidoo kalena cudurkana halis nagu haayo, fadlan xira dukaamada sidaan caqli gal ma ahan in boqolaal qof ka badan dukaamada kusoo xoomaan isna dhex galeen ayadoo aysan jirin ilaalo caafimaad qof walbana cudurka u nuqul yahay inuu qaado.”

“Ma ahan wax la qaadan karo xitaa inaan lasoo xiranin maasgarada ilaalada sidaa darteed kuwa dukaamada kusoo xoomeen uma qalmaan in qamri laga iibiyo ee waxay u qalmaan in bulshada laga tir tiro waayo halis hor leh ayay nagu dhex abuurayaan waana in si deg deg ah loo xiraa dukaamada qamriga lagu iibiyo haddii kalen nafsadeena halis ayay gali doontaa.”

Dhinaca shaqada markaas usoo laabano Arjun Rampal waxaa u diyaarsan filimka Nastik oo uu Director ka yahay Shailesh Verma halka Meera Chopra iyo Harshaali Malhotra doorar muhiim ah ku leeyihiin waxaana la daawan doonaa markii ay xaalada caadi kusoo laabato oo tiyaatarada dib loo furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here