Xidiga caanka ah ee la wada jecel yahay kaasi oo door kasto sameyn karo Arjun Rampal inta badana Soomaalida u taqaan Gooraf ayaa u shaqo doontay dhankaas iyo Koonfur Hindiya gaar ahaan fanka Telugu ama Tollywood loo yaqaan ee xarun u tahay magaalada Hyderabad wuxuuna filimkiisa kowaad oo Telugu ah la sameyn doonaa Powerstar Pawan Kalyan oo mashruucan hogaamiye ka ah, haatana filimkan aan magaca loo bixinin waxaa loogu yeeraa PSPK27.

Arjun Rampal ayaa filimkan taariikhiga ah sidoo kalena boqortooyooyinkii hore Hindiya ka jiray ku jilaayo boqor Aurangazeb oo ahaa boqorkii lixaad ee hogaamin jiray boqortooyadii Muslim-ka ahayd Mughal oo sanado badan Hindiya ka talineesay wuxuuna duubista filimkan Arjun bilaabaa 19-ka bishan Febraayo waana jadwal 12-maalmood ah isaga iyo Pawan Kalyan ayaa isla duubi doonaan jadwalkan muhiimka ah waxayna shaqada ka bilaabanee magaalada Hydebarad waxaana dhismo u gaar ah filimkan laga sameeyay qalcadaha ku yaalo labada deegaan ee lagu magacaabo Charminar iyo Machilipatnam.

Waxaa kaloo xusid mudan in filimkan atirishada caanka ah ee Bollywood-ka ka tirsan Jacqueline Fernandez door adag ku leedahay waxayna ku jilee Arjun Rampal walaashiis oo boqortooyada ayay ka tirsan tahay waxaana la rajeynaa dhawaan duubista inay kusoo biirto sidoo kalena atirishada kale ee lagu magacaabo Niddhi Agerwal ayaa door muhiim ah ku leh.

Filimka PSPK27 waxaa Director ka ah Krish waxaana la qorsheenaa mudo 4-bilood ku dhawaad ah shaqadiisa inay socoto waana filim weyn oo miisaaniyad xoogan xambaarsan lana daawan doono horaanta sanadka dambe bisha Janaayo 2022 todobaadka ugu horeeyo gaar ahaan feestada Sankranthi 2022 ayaa la daawan doonaa sida la qorsheenayo mashruucan Pawan Kalyan hogaamiyaha ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here