Arjun Rampal walaashiis Komal miyaa lagudaray daroogiistayaashii Sushant kiiskiisa lagudaba dhigtay? NCB oo kudhagan Komal!

0
426

Kadib markii uu labo jeer oo kaladuwan su’aalo laweydiiyay atooraha Arjun Rampal, xafiiska xakameynta mukhaadaraadka (NCB) ayaa hada u yeereyn walaashiis Komal si wax looga weydiiyo kiiska daroogada.

Komal ayaa loo sheegay inee kasoo muuqato subaxa Arbacada saacadu markay tahay 11ka barqanimo xafiiska NCB.

Sida la soo sheegay, NCB waxay ka heshay is-maandhaafyo qaarkood dawooyin uu soo gudbiyay Arjun Rampal oo loogu talagalay kiniiniyada laga helay gurigiisa. Intii lagu guda jiray su’aalaha, Rampal wuxuu sheegay in daawooyinka gurigiisa lagahelay ay leeyihiin eyga guriga ujooga iyo qaar walaashiis leedahay. Sida lagu sheegay warbixinnada, NCB waxay tuhunsan yihiin in dhakhtarku u qoray dawooyinka dhimirka inuu yahay mid been abuur ah.

Hay’addu waxay weerar ku qaaday guriga jilaaga bishii Novembar halkaas oo uu kula nool yahay saaxiibtiis Gabriella Demetriades iyo wiilkooda. Gabriella ayaa sidoo kale loogu yeeray saldhiga si su’aalo weydiinta bishii Novembar bilaabatay qeyb uga naqato. Sida la soo weriyey, Rampal wuxuu saraakiisha u sheegay inuu warqadda daawada ka helay saaxiibkiis dhakhtar fadhigiisu yahay Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here