Heesaaga halyeega ah ee laga dambeeyo Udit Narayan wuxuu aad ugu faraxsan in todobaadkan wiilkiisa Aditya Narayan ugu dambeyntii uu la aqal galay lamaantiisa Shweta Agarwal, wuxuuna Udit Narayan ku jiray mashquul badan todobaadyadii ugu dambeesay asigoo qaban qaabinayay arooska wiilkiisa oo siweyn loo hadal haayay balse haatan si guul ku dheehan ayuu kusoo idlaaday.

Aditya Narayan iyo aabihiis Udit Narayan ayaa xaflada arooska wacdaro ka dhigeen madaama ay goobta ka qaadeen heesaha Udit caan ku yahay ee uu filimo badan Bollywood-ka ka qaaday looguna tala galay aroosyada sidoo kalena Shweta Agarwal aroosada qoyskan kusoo biirtay waxay la dhacday sida seygeeda iyo sodogeeda dadka u mada daaliyeen farxad heer sare ahna u siiyeen.

Shweta Agarwal iyo Aditya Narayan waxay isla sameeyeen filimkii Shaapit ee sanadii 2010 wixii markaas ka dambeeyay xiriir wacan ayay yeesheen lamanaahan ugu dambeyntiina si rasmi ah ayay u wada aqal galeen xili todobaadkan siweyn loo hadal haayay guurkooda oo ciwaan kala duwan sameenayay.

Aditya Narayan waa 33-jir kaasi oo Bollywood-ka kusoo biiray asigoo aad u yar ayuu aabihiis heesaha filimada kala qaadi jiray markii dambena wuxuu noqday atoore haatana barnaamijyada dhanka TV-yada laga daawado ayay isaga iyo lamaantiisa Shweta Agarwal inta badan isla sameeyeen.

Udit Narayan ayaa qorshaha xaflada badalay madaama markii hore qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka uu ku casuumay haddane cabsida karoonaha laga qabo awgeed martida caanka ah wuxuu iska baajiyay waxaana xafladan aroos kasoo qayb galeen ehelada labada qoys oo kaliya ayadoo Mumbai lagu qabtay siweyna loo agaasimay xafladan guusha kusoo idlaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here