Inta badan Bollywood-ka waxaa lagu dhaliilaa inay sheekooyin kasoo amaah sadaan fanka Koonfur Hindiya oo hormar balaaran sameenayaan balse atooraha caanka ah ee door kasto sameyn karo wuxuu ku dhiiri galiyay filim sameeyayaasha Bollywood-ka inaysan joojin sheekooyinka Koonfur kasoo qaataan asigoo dooda dhinac kale u rogay.

Arshad Warsi haatan wuxuu wax ka jilaa filimka Durgamati ee Jimcadan si Online ahaan barta Amazon Prime looga daawan doono ayadoo hogaamiye ay ka tahay Bhumi Pednekar waxaana mashruucan sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Telugu ah Bhaagamathie ee sanadii 2018 sameesay Anushka Shetty waxaana xusid mudan in Arshad filimkan ku matalaayo siyaasi xumaanta ku caan baxay.

Arshad Warsi wuxuu yiri “Waa wax iska caadi ah inaan filimada Koonfur dib u sameyno waana ku dhiiri galinaa filim sameeyayaasha Bollywood-ka inay sheekooyinka wanaagsan ee Koonfurta soo xigtaan, waayo waxbaan ka badaleynaa waxaana ka dhigeynaa fariin Hindiya oo idil laga daawan karo ayadoo markii hore fariinta loogu tala galay hal ama labo gobol oo kaliya.”

Sidoo kale Arshad Warsi wuxuu dadka xasuusiyay in xiliyadii hore xitaa sheekooyinka kala qaadan jireen Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya sidoo kalena xeerkaas uu sii jiri doono wax la dhaliilana aysan meesha oolin wuxuuna jilaagaan caanka ah ku faraxsan yahay sameynta filimka Durgamati wuxuuna ka dhawaajiyay in daawadayaasha ka heli doonaan wajiga aan looga baranin ee xumaanta ku dheehan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here