Jilaaga caanka ah Arshad Warsi ee sameeya doorarka shactirada ah ayaa maalmahan saxaafada heesta mudo dheer kadib ayuuna wareysi bixiyay xidigaan kana hadlay arimo dhowr ah oo shaqadiisa iyo noloshiisa gaarka ahba quseyaan.

Barnaamij Tv-yada laga sii daayo asoo ka qeyb galaayo ayaa wareysigan laga qaaday waxaana horey idiin kula wadaagnay inuu sheegay Filim horleh oo shactiro ah inee sameeyn doonaan isaga iyo Sanjay Dutt.

Hadaba xidigaan waxaa ka weydiiyay Filimka mudo 10 sano ka badan la sugaayo in qeyb seddexaad laga sameeyo ee Munna Bhai oo kamid ah aflaamta Bollywood sameyeen kuwooda ugi fiican abid.

Waxuu yiri Arshad,”aniga ahaan waan ka rajo dhigay in qeyb seddexaad laga sameeyn doono Filimkaan balse mudane Raju (Rajkumar Hirani Director-ka Filimka) ma rajo dhigin waxuuna ku howlan yahay diyaarinta sheekada Filimka qeybta labaad xili qeybta hore la dhameeyay dhowr bil kahor.”

“Sanju Baba (Sanjay Dutt) ma uusan rajo dhigin iyo dhamaan kooxda mid walba ma quusan aniga mooye anigana waxaan u rajo dhigay ayaa ah in aan si waali ah u sugaayey Munna Bhai 3 goorta duubis lagu bilaawi doono 10 sano ka badan ayaana sugaayey.”

“Laakiin hal mid aan idiin sheego xiligee doonto ha noqote mudane Raju wuu sameeyn doonaa Munna Bhai 3 aniga iyo Sanjay Dutt-na xili walba uu inoo waco diyaar ayaa nahay waan duubi doonnaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here