Atooraha caanka ah ee door walbo sameyn karo Arshad Warsi balse dhanka shactirada maqaam sare ku gaaray ayaa hadal heyn xoogan baraha bulshada ka abuuray xili haatan jilaayaasha Bollywood-ka guryahooda iska joogaan madaama dhamaan hawlaha filim jilista la hakiyay saameynta Coronavirus awgeed.

Haddaba Arshad Warsi ayaa dadka ka yaabsaday kadib markii baraha bulshada uu kusoo qoray inuu haayo caddeyn muujineyso in heesaaga, muusigiistaha iyo jilaaga caanka ah Himesh Reshammiya uu aqoon u lahaa Coronavirus 9-sano ka hor xili dunida aan caabuqan laga aqoonin!

Aqristayaasheena qiimaha badan sida hadalka Arshad Warsi u dhigay arinka xaqiiq uma ahan ee Arshad wuxuu ka wadaa in Himesh Reshammiya uu qaaday sanadii 2011 hees magaceeda ahaa “No touching, no kissing, noly seeing” kuna jirtay filimka lagu magacaabo Damadamm sidoo kalena heeskan isaga ayaa curiyay muusigada saaray.

Waxaana laga waday micnaha heeskan “taabasho ma jirto, shumis ama dhunkasho ma jirto, kaliya waa la is arkaa oo la iskuma soo dhawaanayo kkk kkk” Sidaa darteed Arshad Warsi wuxuu leeyahay Himmesh heeskan uu qaaday waaba micnaha ku aadan wacyi galinta Coronavirus oo uu leeyahay Himmesh xiligaas ayuuba fahansanaa halista caabuqaan kkk kkk.

Qof walbo qosol ayuu la dhacay marka uu dhameestirtay qoraalka Arshad Warsi waxaana la ogaaday inay dhib ka ahayd sidoo kalena wuxuu taageerayaashiisa ugu baaqay inay guryahooda joogaan kuna dadaalaan iska ilaalinta caabuqan halista badan wuxuuna sheegay Arshad Warsi in heeskan Himmesh qaaday haatan madaxiisa ka guuxeyso maal mahan marba haddii la dhahay yaan la isku soo dhawaanin oo qof walbo taxadar ha sameeyo, fadlan hoos ka daawo heeskan Arshad dadka kaga xaraabeestay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here