Arshad Warsi waa atoore caan ah siweyna loo jecel yahay wuxuuna sanadii 1996 kusoo baxay filimkii Hit-ka noqday Tere Mere Sapne.

Balse Arshad Warsi maanta maqaamka uu taagan yahay waxaa kaga horeesay inuu soo maray marxalado dhib badan sidoo kalena ku sigtay in Bollywood-ka laga waayo xidigaan sidoo kalena riyo walbo ee uu qabay meesha ka baxdo.

Arshad Warsi ayaa wargeyska Times of India u sheegay in hada ka hor sedex sano uu shaqo la’aan ahaa asigoo wax filim ah saxiixanin mudadaas sidoo kalena xaaskiisa ay reerka biili jirtay.

Arshad Warsi oo dib u goconaayo xaaladihii adkaa ee uu soo maray wuxuu yiri “Waxaa igu dhacday hada ka hor in sedex sano aan shaqo la’aan ahaa oo aan wax filim ah saxiixanin, laakiin nasiib wanaag xaaskeyga Luckily Maria ayaa shaqeeneesay markaas oo reerka biileesay”

“Waxaan qaban jiray mararka qaar shaqooyin aan ii qalmin si aan qoyska u kaalmeeyo laakiin wax shaqo ah oo xirfadeyda u quseyso mudo sedex sano ah ma helin!”

Arshad Warsi ayaa sheegay in filimkii  ‘Munna Bhai MBBS’ uu noloshiisa bad baadiyay wuxuuna yiri “Hadii  Munna Bhai MBBS aan sameyn laheyn maanta Arshad-kaan caanka ah ma noqon laheyn”

“Xitaa sameyna Munna Bhai waxay ahayd arin halisteeda wadatay waayo doorkeyga ma ahan min weyn waxaan ka mid ahaa 5-tuugo oo Sanjay Dutt u camirto balse Director Rajkumar Hirani ayaan u mahad celinaa oo kalsooni dheeraad ah i siiyay kana dhigay doorkeyga mid caalami ah”

“Atoore kasto waxaa laga rabaa doorka la siiyo hadii uu yahay mid yar iyo mid weyn inuu isaga dadaalkiisa ku darsan karo si uu dad weynaha usoo jiito aniga fursadii yareyd ee la ii siiyay waan ka faa’iideestay”

“Bollywood-ka ma ahan meel lagu raaxeesto waayo hadii labo filim ama sedex filim kaa xumaadaan sheeko ahaan ma jirto qof dambe oo gadaal kuusoo fiirinaayo xitaa hadii aad leedahay xirfad aad door walbo ku sameyn kartid”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here