Asal ahaan boqortooyo ayee kasoo jeedaan 7-jilaa ee Bollywood-ka katirsan mana loo maleeyo (+Sawiro)

0
1286

Shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Film Industry waxay kulmisay jillaayaal fara badan, kuwaasoo kasoo jeeda India iyo dalal kale oo caalamka ah.

Taasi waxay sahashay in Bollywood Film Industry xitaa laga helo shaqsiyaad kasoo jeeda qoysas boqortooyo ah (Royal families).

Warbixintaan waxaan kusoo qaadan doonaa liiska 7 shaqsi oo caan ka ah shirkadda Bollywood kuwaasoo kasoo jeeda qoysas boqortooyo ah oo laga yaqaanno dalka India.


#4 ALISA KHAN

Waa atariisho aan sidaas caan u aheyn, balse waxay ka mid tahay liiska shaqsiyaadka ka xamaasha Bollywood ee ku aftirsada qoysas boqortooyo ahaan jiray, waxay Alisa kasoo jeedaa qoyska Mohammad Nawab Ghaziauddin Khan oo gala boqortooyadii Wazir Ghazi-ud-din. Xitaa magaalada Ghaziabad ayaa loogu magac daray qoyskeeda.

#5 BHAGYASHREE

Waa gabar caan ka ah Bollywood taasoo filimkeedii ugu horreeyey uu ahaa Maine Pyaar Kiya nasiibna u yeelatay inay la shaqeyso Salman Khan, waxayse kasoo jeedaa qoyska reer boqor ee Sangli Family kuwaasoo caan ka ah gobolka Maharashtra. Waxaana gabadhaan dhalay Vijay Singhrao Madhavrao Patwardhan kaasoo ku aftirsada Raja of Sangli.

#6 SONAL CHAUHAN

Sonal waxay kasoo jeedaa boqortooyadii Rajput Family gaar ahaan qoyskeedu wuxuu caan ka ahaa degmada Manipuri ee gobolka Uttar Pradesh. Gabadhaani waxay ku dhalatay kuna soo kortay caasimadda Delhi, waxaana lagu yaqaannaa doorkeedii ay ku laheyd filimkii Jannat.

#7 RIYA IYO RAIMA SEN

Labada gabdhood ee walaalaha ah Riya iyo Raima Sen waxaa dhalay jillaa caan ka ah India waana Moon Moon Sen. Waxayna ku aftirsadaan boqortooyadii Tripura. Ayeeyadood Ila Devi oo dhimatay waxaa dhalay Indira Raje, waana boqoraddii Cooch Behar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here