Filimsameyaha caanka ah Ashutosh Gowarikar ayaa hada kahor ku dhawaaqay in Aishwarya Rai in badan mudneed in la siiyo abaal marinta Filimfare Award qeybta atiriishada ugu wanaagsan balse taas bedelkeed waxaa la siiyay Priyanka Chopra.

Dhacdada waa marhore balse maanta ayaa dib loo xusuustay waxay ahed 2009 xili xaflada Filimfare la joogay habeenkaas waxaa abaal marinta Bes Actress la gudoonsiiyay Priyanka Chopra waxayna ku qaadatay Filimkeeda Fashion PeeCee markee gudoontay abaal marinta iyadoo masraxa saaran waxay tiri.

“Aadbaan ugi faraxsanahay guusha aan gaaray maanta waxaan kaloo ku faraxsanahay inaan abaal marintasn kula tartamay atiriishooyon iga qibrad iyo guulo badan sida Aishwarya Rai iyo Kajol” abaal marinta xigtay Director-ka ugu wanaagsan ayee ahed waxaana ku guuleystay Ashutosh Gowarikar masraxa ayuuna ka hadlay isla habeenkii waxuu yiri.

“Waan jeclahay Priyanka ka shaqsi ahaan iyo ka shaqo ahaanba laakiin ma aqaan qaabka ay ugu guuleysatay bilada caawa sababto ah waxaan aaminsanahay in Aishwarya Rai ka mudneed qof walbana wuu arkay bandhigeeda Filimka Jodha Akbar sikaste ahaataba waxaa macquul ah kartida badsn iyo shaqo adeega badan ee Priyanka ine ku heshay abaal marinta waayo labadooda Priyanka ayaa shaqo adag qabata.”

Aishwarya waxay ku tartameysay Filimkeeda Jodha Akbar oo Ashutosh Director ka ahaa halka Hrithik Roshan atoore ka ahaa waxaana xusid mudan in Ashutosh isla filimkaas bilada habeenkaas ku qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here