Asigu waa jilaa weyn balse walaashiis iyo hooyadiis inuu wax u qabto iska daayee xitaa telka kama qabto.

0
483

Golcan Deniz waa gabar la dhalatay jilaaga weyn ee reer Turkey Ozcan Deniz waxayna wada yihiin walaalo isla dhashay oo isku aabo ah balse kala hooyo ah.

Golcan oo ah walaasha kayar Ozcan Deniz ayaa sheegtay in walaalkeeda uu dayacay iyada iyo hooyadeed waxayna sheegtay iney tahay ardayad wax barata sidoo kalana qalbiga ka jirantahay hooyadeedna si lamid ah ay jirantahay.

Golcan ayaa tiri; “aniga waan jiranahay waxaana ka jiranahay qalbiga oo waxaan u baahnahay qaliin qalbiga hooyadeyna sidoo kale wey jirantahay balse walaalkey waxba nooma qabto inuu wax noo qabto iska daayee markaan waco xitaa telka igama qabto”

Golcan oo hadalkeeda sii wadato ayaa tiri; “waxaan ahay ardayad waxaana doonayaa inaan wax barto balse walaalkey sanadkii hore ayuu I duugay markii aan aabaheen soo duugnay”.

Ozcan Deniz ilaa iyo hada kama uusan hadlin arinta walaashiis ka cabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here