waxaa qof walba uu si weyn u hadal-haaya mashruuca weyn ee RRR kaaso ay ku midoobayn sadexda nin ugu awoodda badan koonfurta Ram Charan , Jr NTR iyo Director Ssrajamouli kaaso hore dadka ugu yaabsaday labadiisa qaybood ee filimka Baahubali.

Dirctor Ssrajamouli filimkiisa kaaso si ku meel gaar ah loogu yeero RRR uu noqday midka looga hadal-haynta badan yahay dalka india isagoo filimkaas ku mideeyay labada aktar ugu Awoodda Badan Telegu kuwaaso kala ah Ram Charan iyo jr NTR isagoo dadka kaga sii yaabsaday ka dib markii uu filimkiisa kusoo daray aktarada kala ah Ajay Devgan Iyo Alia Bhatt kuwaaso ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka

ka dib markii lagu dhawaaqay inay Alia Bhatt ka mid tahay mashruucan waxaa hadda la helay xog ku saabsan atariishadan iyo waqtiga ay bilaabi doonto filimkan sida la xaqiijiyay Alia Bhatt waxa ay filimkan jaceyl kula wadaagi doonta aktarka Ram Charan .

waxaana atariishadan iyo Ram Charan duubista filimkan ay bilaabi doonan bisha soo aadan ee August iyagoo jadwal labo bilood ku duubi doonan magaalooyinka kala ah Pune iyo Ahmedabad waxaana mudadaas atariishadan ay kusoo gabagabayn doonan duubista  muuqaalkeeda filimkaas iyadoo sii amba qaadi doonto mashruucyada kale ee horyaala atariishadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here