filimkan waa filim Superhero iyo fariin qayaali ah isku jirto waxaa hogaamiyaal ka ah Amitabh Bachchan, Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt halka Ayan Mukerji Director ka yahay waana filim weyn oo taxane ah kaasi oo sedex qeybood ka koobay qaybta kowaad ayaa la daawan doona a Dec 2020 ama Christmas 2020.

miyaad Akriste ma ogtahay Alia Bhatt inaysan ahayn atariishada dooqa kowaad ee Director filimkan Ayan Mukerji laakiin atariishadan waxa ay Director Ayan Mukerji si weyn kaga codsatay inuu ka filimkan dhigo mid jaceyl kula wadaagaysa aktarka Ranbir Kapoor

Alia Bhatt oo arrintan shaacisay ayaa waxa ay tiri ” inan filimka kala shaqeeyo Director Ayan Mukerji waxaan ku haminaayay muddo badan maadaama aan si weyn kaga helay filimkiisa Yeh Jawaane Hai Deewana sidoo kale waxaan mar kaliya ku haminaayay inan Ranbir Kapoor Iyo Ayan Mukerji shaashada kala soo muuqdo sidaas darteed waxaan u tagay Mudane Ayan Mukerji si aan u sameeyo filimkiisa Brahmastra sidoo kalena waxaana ka codsatay inan shaashada jaceyl kula sameeyo Ranbir Kapoor maadaama aan midaas ay tahay riyadayda”

Filimka Brahmastra sidoo kale waxaa doorar muhiim ah ku leh xidiga reer Koonfur Nagarjuna, Dimple Kapadia, Moni Roy iyo jilaayaal kale waxaana intiisa badan lagu duubay Yurub-ta Bari gaar ahaan Bulgaria io qeybo ka mid ah Mumbai wuxuuna soo saare Karan Johar ka dhawaajiyay in filimkan sida aflaanta Super Hero-ga Hollywood-ka sameeyeen oo kale loo agaasimay sidoo kalena daawadayaasha siweyn usoo jiidan doono.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here