Atariishada Ameesha Patel Ayaa Waxaa Soo Eedeeyay Filim Soo Saare Ajay Kumar Singh Kaaso Sheegay Inay Ka Lunsatay Lacag Dhan 2.5 Crore

0
547

Atariishada Ameesha Patel oo maalmahan hawada ka maqnayd ayaa waxa markan lagu soo oogay dambi ah inay lunsatay lacag dhan Rs 2.5 Crore si ay filim ugu sameeso filim soo saaraha lagu magacaabo Ajay Kumar Singh.

Producer ka lagu magacaabo Ajay Kumar Singh aya bilowga Todobaadkan isaga iyo wakiilkiisa waxa ay aadayn Maxkamada ku taala magaalada Mumbai si uu dacwad ugu soo ogaan atariishadan isagoo sheegay inay u saxiixday filim si ay ugu sameeso laakiin u sheegay in atariishadan ilaa hadda aysan wax muuqaal ah u duubin sidoo kalena ay ka qaadatay lacag dhan Rs 2.5.

Iyadoo maxakamada ay waqti gaaban u qabatay atariishadan si ay ugu bixiso lacagta iyadoo arrintan ay noqotay mid si weyn loo hadal-haayo atariishada Ameesha Patel ayaa hadda waxaa soo koraya culeys weyn maadama dhawaanahan si weyn ayan ugu dhex muuqanin fanka laakiin waayaheeda waxaa lagu xasuusta aflaamta sida Ka hoona Pyaar hai , Ek Gadar Prem Katha iyo kuwa kale oo badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here