waxaa sanadkan si weyn loo wada sugaya filimkw weyn ee taxanaha Dabbang qaybtiisa sadexaad kaaso ku caan baxay Salman Khan iyo weliba doorkiisa Chulbull Pandey

sidoo kale taxanahan waxaa markasta qayb ka ah jilayaasha kala ah Salman Khan, Sonakshi Sinha, Arbaaz Khan halka qaybtan sadexaad lagu soo daray aktarka Kichcha Sudeepa kaaso filimkan laadar ka ah

halka Salman filimkan uu kusoo caan bixin doono aktarka  Mahesh Manjrekar gabadhiisa atariishada lagu magacaabo Saiee Manjrekar taaso filimkan ku jili doonta doorka Khushi taaso jaceylka Chulbul Pandey oo dhali yaro 

iyadoo daawashada filimkan uu ka harsan yahay muddo gaaban ayaa waxaa dhawaanahan baraha bulshada qabsatay sawir taaso Saiee Manjrekar oo caruur ah la gashay aktarka Salman Khan sanadkii 2007 waxaana dadka ay la yaabayn da’da xiligaas ay jirtay gabadhan iyo inay hadda shaashada jaceyl kula wadaagayso Salman Khan oo in badan ka weyn iyada

laakiin atariishadan ayaa meesha ka saartay hadala qaldan ee dadka qaar ay wax kaga sheegayaan farqiga da ee u dhaxeeya iyada iyo Salman khan iyadoona sidoo kale sheegtay inay nasiib ku leedahay inay shaashada jaceylka kula wadaagto aktarka ugu awoodda badan Bollywoodka ee xiligan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here