Hazar Ergüçlü waa atariisho ka mid ah atariishooyinka loogu jecel yahay xiligan oo casriga dalka Turkish iyadoo dhalatay 1 janaayo sanadkii 1992 waana 27 sano jir

atariishadan waxaa si weyn loogu xasuusta doorar badan oo caan sida doorkeeda Küzey Güney kaaso ay la waday aktarka Kivanç ( muhanad) waxaana la daawaday inta u dhaxeesay 2011 – 2013

laakiin atariishadan waxaa dhawaanahan laga qoraayay warar xan ah kuwaaso sheegayaan inuu xariir jaceyl ah kala dhaxeeyo Director ka iyo musalsal sameeyaha ninka lagu magacaabo Ünlü kaaso ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn loogu yaqaano dalka Turkish

iyadoo dhawaan la arkay labadan lamaane oo ku sugan magaalada Venlo waxaana ay halkaas u joogayn dalxiis gaaban waxaana atariishada Hazar Ergüçlü wareysi siisay iyadoo kasoo baxaysa maqaayad habeenkii xalay

ka dibna waxaa wax laga weydiiyay xariirka iyada iyo Ünlü iyo sida uu ku dhisan yahay maadamaa labadooda uu u dhaxeeyo farqi weyn oo dhanka da’da ah kaaso gaaraya farqigaas 19 sano

laakiin Hazar Ergüçlü inaysan u jeedin da’da iyo waxyaabaha kale kaliya ay ku raaxeysanayso xariirka kala dhaxeeyo Ünlü iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay xariirkaas sidoo kalena ay dhawaan rajeenayso inay aqal-geli doonan

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here