Atariishada Hollywood ee magaca kuleh daafaha caalamka Halle Berry ayaa nikeedii hore ee Gabriel Aubry ku eedeysay cunsurinom iyo inuu sixun ula dhaqmi jiray.

Halle Berry iyo Gabriel Aubry oo dacwadooda cida xanaanada caruurtooda lasiinaayo ay maxkamada taalo ayaa ninkeeda waxyaabaha ay ku eedeysay waxaa kamid ah inuu cunsurinimo kula kacay, inuu khiyaanay oo gogol dhaaf sameeyay iyo inuu si foolxun oo aan wanaagsaneyn ula dhaqmay.

Sida ay sheegtay shabakada Radar.com oo tafaasiisha dacwadaan soo bandhigtay kadib markii ay heshay document arinkaas ku saabsan ayadoo xusid mudantahay in kiiska dacwadaan uu soo jiitamaayay tan iyo 2011dii.

Halle Berry iyo Gabriel Aubry ayaa is guursadeen sanadkii 2005tii waxayna sanadkii 2008dii isku dhaleen cunugoodii ugu horeeyay balse sanadkii 2010kii ayay kala tageen ayadoona tan iyo markaas kiiska dacwadooda uu maxkamada yaalo walina go’aan laga soo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here