Atariishada Hollywoodka ee Charlize Theron waa mid kamid ah atariishooyinka ugu caansan ee shabakadaas waxayna dhawaan si faahfaahsan uga hadashay dilkii ay hooyadeed u geysatay aabaheeda waxayna sheegaty Charlize in ka hadlida arinkaan marnaba ka xishoonin hooyadeedna ay aabaheed Charlize u dishay difaac nafeed owgiis.

Atariishadaan horay ugu guuleysatay bilada caalamiga ee Oscar sidoo kalana u sharaxan ku guuleysiga sanadkaan kadib doorkeedii filimka Bombshell kusoo bandhigtay loogu magacaabay iney u sharaxantahay markale bilada Oscar ayaa waxay aheyd 15 jir markii ay hooyadeed dileysay aabaheeda Charlize.

Wareysi ay la yeelataty shabakada NPR ayay Charlize ku tiri; aabahey wuxuu ahaa mid jiran misna daciif ah maadaama uu joogeeyay cabista khamriga intii aan noolaana qaabkaas ayaan ku aqaanay wuxuuna ku sugnaa xaalad quus ah waxayna qoyskeena ahaayeen ku caafi,aad ahaan aan wanaagsaneyn qaab aan la rumeysan Karin, ayadoo arintaana siweyn noo cabsi galisay aniga iyo hooyadey waxaana jeclaan lahaa wixii habeenkaas dhacay (habeenkii aabaheed la dilay) in aysan marnaba dhicin balse waa nasiib xumo dhacdo markii dhibaatadaada iska xalin weyso”.

Charlize oo hadalkeeda sii wadato kana hadleyso ilbiriqsiyadii nolosheeda ugu xumaa ayaa tiri; “aabahey wuxuu ku sugnaa xaalad uusan miir laheyn heer uusan xitaa socon Karin wuxuuna soo galay guriga asigoo biskoolad wato, aniga iyo hooyadey waxaan ku jirany qolka jiifka waxaana taagneen albaabka agtiisa waayo asiga (aabaheeda) wuxuu isku dayayay inuu albaabka soo riixo si uu usoo galo”

Ayadoo hadalkeeda sii wadato ayay tiri; “anagana waxaan aheyn kuwa albaabka riixa waxaana isku dayaynay inaan kahor istaagno in qolka noogu soo galo, balse aabahey dib ayuu talaabada u qaaday wuxuuna albaabka nooga soo bixiyay 3 xabadood balse midkoodna naguma dhicin waxayna aheyd inaan badbaadno mid mucjiso ah balse hooyadey oo difaac nafsadeed muujisay ayaa arinka soo afjartay (oo aabaheeda dishay)”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here