Atariishada Hollywoodka ee Salma Hayek oo ka hadashay sida ay ugu faraxsantahay in ugu dambeyn filim kala soo muuqatay atariishada Angelina Jolie.

0
924

Atariishada Salma Hayek waa mid kamid ah atariishooyinka ugu quruxda badnaa ee Hollywoodka soo maray sidoo kalana waa atariisho aad loo jecelyahay taasoo shacbiyad balaaran kuleh daafaha caalamka.

Atariishadaan iyo atariishada kale ee caalamiga Angelina Jolie ayaa sanadka dambe waxaa u soo bixi doono filimka la yiraahdo The Eternals waana filim Action khiyaali ah.

Salma Hayek oo 53 jir ah ayaa aad u amaantay atariishada Angelina waxayna sheegtay in aad ugu faraxsantahay la shaqeynteede kadib qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda baraha bulshada.

Filimka The Eternals ayaa waxaa qeyb ka ah atariishooyinka Angelina Jolie iyo Salma Hayek waxaana la daawan doonaa sanadka dambe ee 2020ka gaar ahaan bisha November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here