
Jahnvi waa gabar soo jiidasho leh dadka badankoodana iska jecelyihiin waxaana midaas u dheer inee hooyo u tahay Sridevi oo ah shaqsi caalamka magac weyn ku leh inkastoo maanta magaceeda uun noolyahay ayadase nooleyn.
Atariishadan ayaa dhawaan waxa ay ka qayb gashay show kaaso lagu marti qaaday iyadoo halkaas atariishadan ku shaacisay arrimo badan waxaana lagu weydiiyay su’aalo badan oo xiiso leh

Jahnvi Kapoor ayaa waxa la hor-dhigay su’aal adag kaaso ay adag tahay inay gabar ka jawaabto iyadoo la weydiiyay aktarka ay jeceshahay inay shumiso iyadoo la hor-dhigay inay kala doorato labada aktar ee kala ah Vicky Kaushal iyo Kartik aryan
Laakiin Atariishada filimka Dhadak waxaa ay ugu dambayn dooratay aktarka Vicky Kaushal kaaso ay ku sheegtay inuu yahay aktarka ay jeceshahay inay shumiso
iyadoo sheegtay sababta ay Kartik Aryan u dooran weysay inay tahay xariirka saaxiibtinimada kala dhaxeeyo Atariishada Sara Ali Khan maadaama Sara Ali Khan Iyo Kartik Aryan laysku xigliyo inuu ka dhaxeeyo xariir jaceyl