Mala Sinha waxay kamid aheyd atariishoyinki bari samaadki caanka ahaa kuwaaso aad looga dambeyay inta lagu guda jiray 60kii iyo 70kii sido kale waxay sameysay aflaam badan oo taariikhi ah kuwaaso guulo lixaadleh gaareen.

waxay kaloo lasoo shaqeysay xidigihii ugu awooda badnaa xiliyadaas, hadaba waxaa hada kahor dhacday arin inta lagu guda jiray duubista filimkii Do Kaliyan kaaso la daawaday sanadii 1968.

Filimkaan waxaa hogaamineysay Mala Sinha oo ay kuweheliyaan Mehmood, Biswajeet iyo waliba Neetu Singh Kapoor oo xiligaas 10 sano jirtay, hadaba inta lagu guda jiray duubista filimkaa ayaa waxaa dhacday in Mala lagu amray in ay soo xirato dharka dabaasha Bikini kuwaaso dumarka xirtaan aadna jirkooda usoo saaro.

inta badan Bollywoodka waqtiyadii hore dharkaas sidaas u qaaawanashaha ah maxiran jirin sida maanta loogu waalan yahay ookale balse waxaa jireen atariishoyiin aan caadi aheyn xiligaas kuwaaso xiran jiray dharkaas waxaa kamid ahaayen xidigahaas Mumtaz, Dimple Kapadia iyo waliba Zeenat Amaan.

hadaba Director Krishna Paju ayaa weydiyay Mala in ay xirato dharkaas sidaasna barkada dabaasha ku gasho balse Mala wey diiday arinkaas sido kalena waxay tiri ma doonayo dharkaas in aan xirto oo laigu duubo sidaas.

balse bilcagsigeeda waxay fikrad ah keentay in ay meesha dharkaas ay kasoo qaadaneyso ay kasoo qaadato Sari kadibna sidaas barkada ku gasho balse ay sii raacsiisay shuruud ah in kaliya laga duubo inta ay barkada ku dhexjirto ayadoo Sariga u xiranyahay laakiin aan marnaba duubitaan laga duubi karin markee kasoo baxdo barkada.

waayo waxay diidaneed jirkeeda oo qoyan sariga qabanaayo in la duubo sida awgeed waxay tiri kaliya madaxeyga ha muuqdo markaa kudhexjiro barkada yaanan la i duubin markaa kasoo baxaayo barkada.

hadaba Directorka filimka si qasab ah oo uu ku qasbana ayuu ku qaatay arinkaas sidaaas ayaana lagu duubay muuqaalkas balse Mala marnaba filimkaas kuma aysan duubin dharka dabaasha ah waana sida ay rabtay ayee wax walbo u dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here