Atiriishada Rani Mukerji ayaa shaashada kusoo laaban doonto kadib markii mudo dheer ay ka maqneed waxayna kusoo laabatay filimka Hichki sanadkii hore.

Hadaba xidigtaan ayaa sheegtay in aysan seygeeda Aditya Chopra wax shaqo ah isugu imaanin sido kalena aysan weydiisanainba inee filim sameyneso iyo inkale amaba uu filim udhiibo asiga.

Waxayna tiri Rani oo hadleysa,”Aniga iyo Aditya wax shaqo ah kama wada hadlano mana weydiisto inaa filimsameynaayo iyo in kale balse waxa ugu weyn ee aan weydiisto  ayaa ah goorta aan cunug labaad yeelaneeno.”

“Hadiiba aan wada shekeysaneeno waxaan kawada hadalnaa jaceylkeena iyo gabadheena Adira, waan ogahay in aanan hadeer heesanin qoys weyn (Caruur fara badan) baskana waan ka dhacsanahay waayo marhore ayaa la iga rabay inaan guursado oo aan caruur badan dhalo.”

“Hase ahaate hadeer waxaan doonaya inaan cunug kale hooyo u noqodo waana rajeynaa sidaan jeclahay inee iisuurowdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here