Atariishada reer Hindi ee Waheeda Rehman taasoo bari samaadkii filimada atariisho ku matali jirtay sidoo kalana doorar caawin sameyn jirtay ayaa daaha ka rogtay jilaagii ugu bakheylsanaa ay aragtay mudadii ay fanka ku jirtay.

Waheeda oo marti ku aheyd barnaamijka SuperStar Singer ayaa su’aalihii laweydiiyay waxaa kamid ahaa shakhsigii ugu bakheylsanaa ee shirkada Bollywoodka soo maray? Waheeda ayaana durba ku jawaabtay “Rajesh Khanna wuxuu ahaa jilaagii ugu bakheylsanaa Bollywoodka”

Iyadoo hadalkeeda sii wadato ayay tiri; “ bakheylnimo wuxuu ka gaaray meeshii lacag lagu soo hadal qaado xitaa inuu ka dhuunto” waxayna intaas ku dartay in waqtiyada balanta uusan sidoo kale aad ugu fiicneyn isla markaasna markasta soo daahi jiray.

Rajesh Khanna ayaa kamid ah jilayaashii ugu waaweynaa ee Bollywoodka soo maray wuxuuna sidoo kale ahaa jilaagii ugu horeeyay ee lasiiyay darajada Super Star asigoona ah aabaha dhalay Twinke Khanna xaaska Akshey Kumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here