Atariishada dhalinta yar ee lagu magacaabo Tara Sutaria waxayna ka mid tahay atirishooyinka jiilka cusub ee Bollywood-ka gaalan galka ku leh.

Tara Sutaria waxaa dhawaan tiyaatarada loo saari doona Marjaavaan oo ay dhawaan duubistiisa soo idleesay waxaana la jilayaan Sidharth Malhotra iyo Retiesh Deshmukh waxaana la daawan doonaa 22 November 2019.

haddaba atariishadan ayaa dhawaanahan waxa ay ku mashquulsan tahay xayeesiin u samaynta filimkeeda Marjaaavan waxaana atariishadan ay si weyn ula fal-gashay saxaafada dalka india

waxaana Tara Sutaria ay shaacisay aktarka ay ka taageerto gudaha bollywoodka iyadoo sheegtay inay si weyn u taageerto aktarka lagu magacaabo Hrithik Roshan iyadoo ku sheegtay Hrithik inuu yahay aktarka ugu shidan gudaha bollywoodka

Tara Sutaria oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa ay tiri ” waxaaa hubaal ah Hrithik Roshan inuu yahay macalin weyn ama macalin shidan isaga waa shaqsiga igu dhaliyay inan fanka kusoo biiro waxaana si weyn ugu helaan muuqaalkiisa iyo dhoolacadayntiisa”

Tara Sutaria ayaa hadda waxa ay Tiger Shroff kula biirtay taageerida aktarka Hrithik maadama Tiger isagana uu hore u shaaciyay inuu fanka ka taageero aktarka Hrithik Roshan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here