Taxanaha Gane of Theron waa mid kamid ah taxanayaasha ugu waaweyn ee Hollywoodka ah asigoona taxanahaan la bilaabay sanadkii 2011dii kana soo galo kanaalka HBO.

Taxanahaan oo ah taxane ka hadlaayo 7 boqortooyo oo ku loolamaayo cidii boqortooyada rasmiga noqon laheyd ayaa waxaa atariisho ka ah Emilia Clarke asigoona ay aad ugu badanyihiin taxanahaan muuqaalada qaawanaanta ah.

Atariishadaan oo arinkaas ka hadleysay ayaa sheegtay in taxanahaan markuu bilaabanaayay ay jirtay da’da 23 sano isla markaasna ay aad u yareyd waxayna sheegtay in waqtigaas caanimo raadineysay balse kooxda filimka ay muuqaalada dareenka qaawanaanta taxanaha ku badiyeen.

Emilia ayaa sheegtay in markii doorkeedaa taxanaha aqbshay loosoo diray sinaariyada sheekada taasoo aysan markaas qeyb ka aheyn muuqaalada qaawanaanta badan balse gadaal looga daray waxayna sheegtay in waqtigaas waxba ka qaban Karin.

Emilia ayaa eeda oo dhan dusha uga tuurtay kooxda filimkaan sameyntiisa qaabilsaneed balse haatan qudheeda ka qoomameyneyso in doorarkaas suubisay markalana suubin doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here