Atariishada Vaani Kapoor oo farxad kala daataday kadib markii uu Directedka filimka Chandigarh Kare Aashiqui…

0
532

Atariishada Vaani Kapoor ayaa farxad kala daataday kadib markii uu amaan ugu qabeeyay Directedka filimkeeda xiga ee lawada sugaayo Chandigarh Kare Aashiqui ee Abhishek Kapoor.

Abhishek Kapoor ayaa aad u amaanay doorka Maanvi ee ay Vaani Kapoor ku mataleyso filimkaan wuxuuna sheegay iney tahay atariishada ugu haboon ee doorkaas matali laheyd.

Vaani kapoor oo arinkaas aad ugu faraxsan ayaa durba ka jawaabtay waxayna sheegtay farxad iney ka tanbadatay marba hadii Filim Sameeye Abhishek doorkeeda la dhacay.

Vaani ayaa sheegtay in doorka Maanvi ee ay ku jileyso filimka Chandigarh Kare Aashiqui waqti badan galisay sidoo kalana ku dadaashay sidii ay uga run sheegi laheyd, ayadoona sheegtay in shakhsiyada Maanvi sida ay u wanaagsantahay darteed ayada xitaa saameyn ku yeelatay.

Filimka Chandigarh Kare Aashiqui ayaa waxaa Vaani Kapoor la wado jilaaga Ayushman Khurrana waxaana Directed ja ah Abhishek Kapoor asigoona la daawan doono December 2021da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here