Home » Bollywood News » Atariishada weyn Kajol 25 sanno ayey fanka ku jirtay, mase rumeysan doontid inta jeer ee ay baajisay duubis filim!

Atariishada weyn Kajol 25 sanno ayey fanka ku jirtay, mase rumeysan doontid inta jeer ee ay baajisay duubis filim!

Kajol ayaa dhammeysatay 25 sanno oo ay ku jirtay fanka India, waana mid ka mid ah atariishooyinka sida weyn loo qiimeeyo ee Bollywood Town.

Kajol ayaa sannadkii 1992dii waxay Bollywood-ka kusoo gashay filimkii Bekhudi, inkastoo uusan filimkaasi wacdaro ka dhigin Box Office-ka hadana wixii intaas ka dambeeyey xirfaddeedu sarre ayey usii kaceysay.

Magaca Kajol ayaa kugu soo dhacaya marka lasoo hadal qaado aflaanta Gupt, Dushman iyo doorkeedii jaceylka Dilwale Dulhania Le Jayenge iyo Kuch Kuch Hota Hai – maqaam sarre ayeyna ka gaartay Bollywood.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo 25 sanno ay ku jirtay Bollywood, hadana Kajol marwalba waxay ugu horreysaa liiska jillaayaasha Bollywood ee ka adag shaqadooda, waana sababta ay keliya hal mar u baajisay duubis filim mudadaas dheer ee ay jilliinka kusoo jirtay.

”You are working in an industry where if you fall sick or cancel a shoot, lakhs of rupees go out of somebody else’s pocket. So that’s a huge responsibility on your head,” said Kajol about the performance pressure on the stars. She revealed that she skipped shooting once when her daughter was having high fever.

“Waxaad ka shaqeyneysaa Bollywood, waana shirkad haddii aad xanuunsato ama aad baajiso duubista filimka cadad lacageed oo aad heli laheyd aad weyneyso, tusaale dhowr Lakhs ayaa la siinayaa qof kale oo booskaaga gelaya. Sidaas darteed masuuliyad weyn ayaa madaxa kaa saaran.” Ayey tiri Kajol.

Xaaska Ajay Devgn oo sii wadata hadalkeeda ayaa daaha ka qaaday inay hal maalin oo keliya baajisay duubis filim ka dib markii ay qandho xun qabatay gabadheeda Nysa Devgan: “Maalintaas gabadheyda ayaa xanuunsaneyd, qandhada heysay ayaa heer kulkeedu ahaa 104 degree, waxaana u sheegay maalgeliyeyaasha in aanan imaan karin maadaama ay gabadheydu xanuunsan tahay, waana ay iga aqbaleen maadaama anigoo xanuunsan aan duubi jiray aflaanta.”

Kajol ayaa filimkeedii ugu dambeeyey ee shaashadda ay uga soo muuqato wuxuu ahaa VIP 2 oo ay la hogaamineysay Superstar Dhanush.

One Response to Atariishada weyn Kajol 25 sanno ayey fanka ku jirtay, mase rumeysan doontid inta jeer ee ay baajisay duubis filim!

  1. Koshin mn Reply

    December 3, 2017 at 7:03 pm

    Natiiijadeeeh gaaaeay VIP2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *