Atariishadaan ayadoo ooyneyso ayay Live soo gashay waxayna taageerayaasheeda ka codsatay..

0
2146

Atariishada Turkiga ee Eda Ece ayaa fal aad loogu riyaaqo sameysay kadib markii ay hooyo dhibaateysan ka qeyb qaadatay caawinteeda.

Hooyadaan dhibaateysan ayaana atariishadaan ka codsatay in wiilkeeda oo xanuunsan laga caawiyo sidii loogu daaweyn lahaa, waxayna maamada sheegtay in daawaynta ilmaha laga helo aduunka balse ay tahay daawo qaali ah maadaama ay ku baxeyso hanti ka badan Labo Million oo Dolar.

Atariishada ayaana markii ay maamada hadalkeeda dhageysatay kadib waxay u tafo xeydatay sidii ay u caawin laheyd ayadoona isla habeenkaa Live dhanka Instagramka soo gashay, waxayna taageerayaasheeda ka codsatay inay ka qeyb qaataan caawinta maamadaan iyo sidii ilmaha yar loo daaweyn lahaa.

Eda Ece ayaana aheyd mid ooyneysay aadna uga xumeyd dhibaatada maamadaas heysatay, waxayna Liveka kula hadashay kumanaan ka tirsan taageerayaasheeda.

Atariishada Eda Ece ayaana sheegtay in lacagta Labada Malyan ah haatan ay ka dhimantahay kaliya 672,000 oo dolar taasoo ka dhigan in lahaayo 1,280,000 oo dolar.

Taageerayaasha atariishadaan ayaana aad usoo dhaweeyay falka wanaagsan ee atariishadaan ku dhaqaaqday xili lagu balamay in ilmahaan yar la caawiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here