Atariishadaan mar walba sharciyada Covid19 ayaa qabtaan ganaaxna kuma yara !!

0
530

Atariishada Turkida ee Merve Bolgur ayaa waxaa heysato dhibaato aan la aqoon hadii kas u sameyso iyo hadiiba ay tahay caado aysan iska dhaafi karin.

Merve ayaa horay sharciyada dowlada jabisay kadib markii lagu arkay ayadoo Mask la’aan socoto goobaha bulshada isugu yimaadaan, arintaasoona keentay in ganaax maaliyadeed garka loo galiyo.

Ma ahan dhacdo halmar dhacday balse dhowr mar ayay soo laab laabatay mar walbana waa la ganaaxayay, ayadoona shalay ay ugu dambeyaay waxaana la arkay markale ayadoo Mask la’aan ah.

Mid kamid ah sawirqaadayaasha saxaafada oo goobta ku sugbaa ayaana Merve weydiiyay sababta aysan Mask u xiran iyo hadii cilad ay jirto balse uma aysan jawaabin taas badalkeedana gaarigeeda ayay u jiheysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here