maalin wacan Akhristayaasheena qiimaha badan waxan mar walba jecel nahay inan idinla wadaagno xogaha aktarada hore iyo kuwii dambe maanta waxaana ku ahaya atariisho ka mid ahayd kuwa ugu caansana 90s taaso in badan aad daawatay aflaamta ay ka mid ahayd

laakiin aadan la socon halka ay ku dambeeso iyo xogta ku saabsan nolosheeda dhabta ah iyada hadda waxaa lagu yeeraa Neha Bajpayee laakiin magaceeda dhabta ah waa Shabana razi waxa ay dhalatay 18 april 1975 hadda waa 43 sano jir

taaso ku dhalatay magaalada Maharashtra ee mumbai neha waxa ay bollywoodka soo gashay sanadkii 1998 iyadoo ku soo caan baxday filimka lagu magacaabo Kareeb kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka Bobby deol

ka dib filimkaas neha waxa ay fursad u heshay inay Ajay devgan kula midowday filimka lagu magacaabo Hogi Pyaar Ki Jeet sanadkii 1999 iyadoo sanadkii 2000 kasoo muuqatay filimka Fiza ay hogaamiye ka yihiin aktarada kala ah Hrithik roshan iyo Karishma kapoor

Neha ayaa markaas ka dib waxa ay kasoo muuqatay dhawr aflaamood oo kale ka dibna waxaa sanadkii 2006 guursaday aktarka Manoj bajpayee iyadoo isaga baxday gabi-ahaanba sameynta aflaamta iyadoo u go’day inay waqtigeeda dhamaan siiso qoyskeeda labadan lamaane hadda waxa uu joogta gabar lagu magacaabo ava nayla taaso dhalatay sanadkii 2011

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here