atariishadan Shivanand waa mid ka mid ah atariishooyinka ugu fiicnaa ee soo maray shirkadda bollywoodka iyadoo bollywoodka kusoo biirtay sanadkii 1995 waxa ayna kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo Janam kundli

ka dib waxa ay sameesay aflaamo tiro badan oo caan ah sida filimka Zanjeer 1998 weliba waxa ay ka mid ahayd 5 gabdhood ee la dhashay suniel shetty filimka balwaan 5 gabdhood kaaso lagu magacaabo Krodh waxaana la daawaday sanadkii 2000

iyadoo waqti wacan ku qaadanaysa bollywoodka ayaa waxaa lugta la gashay dhibaato ka dib markii uu jaceyl u qaaday burcad xiliigaas ugi weynaa dalka india ee Abu salem

waxaana ninkaan waxaa dhawr jeerna xukuntay maxkamada waxaana ka mid inay xukuntay maxkamada lagu TADA court sanadkii 1993

laakiin markuu muddo ku jiray ka dib ayaa laga sii daayay iyadoo dhamaan dadka ka shaqeeya bollywoodka ay si weyn ugu cabsanaayeen burcadkan iyadoo xitaa uu dilay dadka fara badan uu ku jiro filim soo saaraha lagu magacaabo Gulshan kumar

isagoo sidaas arimihiisa ugu socdaan ayuu waxa uu jaceyl u qaaday atariishadan isagoo mar walba usoo diri jiray fariimo hanjabaadyo ah taaso ku aadan inaysan samaynin aflaamo bollywood ah haddii kalena uu dilaayo

atariishadan wax ay ku qasbanaatay inay Isaga carartay magaalada mumbai iyadoo aaday dhinaca iyo koonfurta waxa ayna ku biirtay sameynta aflaamta shirkadaha kala duwan ee halkaas ku yaala

sida tamilka iyo teluga ka dib markii ay muddo ka maqnayd saaxada bollywoodka dib ayay ugu soo laabatay iyadoo sanadkii 2016 sameesay filim lagu magacaabo dillagi yeh dillagi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here