bollywoodka waa mid sida safarka oo galay iyadoo aktaro qaar ay u yimaadaan inay magac iyo lacag ka sameeyaan ka dib waxaa dhacda in halkaas uu ku samaysmo mustaqbalkooda ama uu ku bur-buro

sida atariishada aan maanta ku haayo taaso soo martay afar guur magaceeda waa Zeba bakhtiyar iyada asalkeeda waxa ay kasoo jeeda dalka Pakistan

waxana si fiican loogu yaqaana filimka Heena iyadoo filimkaas atariisho u ahayd aktarka Rishi kapoor weliba heeska ay ku midoobayn kaaso lagu magacaabo Main Hoon Khushrang  Heena kaaso noqday heesaha ugu caansanaa sanadka 1991

ka dib atariishadan waxa ay sameesay dhawr aflaamood oo kale sida Jai vikraant , Sargam Mohabbat Ki Arzoo, Muqadama iyo aflaamo kale oo badan ka dib markii ay aflaamteeda ku guul-daraystayn boxx office ka waxa ay bilowday inay ka fakirto nolosheeda

iyadoo guursatay ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Salman waliyani iyagoo labadan waalid u noqdayn gabar ka dib markii ay mudo wada noolaayeen ayay kala tagayn

ka dib waxa ay guursatay fanaanka lagu magacaabo Adnan sami waxa ay u dhashay wiil lagu magacaabo anjaam ka dib markii ay labo sano wada noolaayeen ayay kala tagayn

waxana guurkeeda sadexaad ay guursatay aktarka bollywoodka ee lagu magacaabo javed jaffrey weliba guurkooda waxa uu ahaa mid qarsoodi ah

laakiin waxa uu ku dhamaaday si xanuun badan oo murugo ah hadda atariishadan waxa ay ku nooshahay dalka pakistan iyadoo la nool ninkeeda kaaso lagu magacaabo sohail khan waana ninka afaraad ee iyada guursda iyadoo hadda ka shaqaysaa xayeesiinada gaar ahaan xayeesiinta saabuunta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here