Atariishadii turkida ee guursatay 80jirkii mareykanka oo sabab layaab leh oo ay ninkaas u guursatay sheegtay.

0
1062

Waxaan horay idiin kula wadaagnay in atariishada turkida ee Meltem Miraoglu ay guursatay nin 80 jir ah una dhashay wadanka mareykanka iyadoo aanan la ogeyn sababta ku qasabtay guurkaas.

Hadaba caawo waxaan idiin heynaa sababta ay atariishadaan u guursatay ninkaas waayeelka iyada ayaana ka jawaabtay.

Meltem Miraoglu ayaa sheegtay in ninkaan u guursatay bacdamaa uu u balanqaaday in uu ku dari doono shirkada Hollywoodka isla markaasna halkaas atariisho ka noqon doonto.

Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay iney sheegtay iney dooneyso in ninkaan 3 cunug u dhasho.

Meltem Miraoglu ayaa maalintii axada aheyd guursatay nin 80 jir ah una dhashay dalka mareykanka taasoona layaab ku noqotay dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here