Adah Sharma waa mid ka mid ah aktarada ugu jiliinka wanaagsan aktarada ku cusub Bollywoodka atariishadan waxa ay  hore kaga soo muuqatay dhawr aflaam oo caan ah

kuwaaso kala ah sida filimka cabsida badan ee 1920 iyo filimka Hasee Toh Phasee waxaana sidoo atariishadan dhawaan usoo bixi doona filimka lagu magacaabo Commando qaybtiisa sadexaad kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka Vidyut Jamwal

Atariishadan quruxda badan ayaa hadda waxa ay saxiixatay filim looga hadlaayo sex-change kaaso qofka inuu iska badalo jinsigiisa isagoo isku sameenaya qaliin dhanka dareenka waxaana Adah Sharma ay markan jili doonta door nin ah iyadoo gabar ah taaso isku sameenaysa qaliin

sidoo kale waxaa filimkan qayb ka ah aktarka  lagu magacaabo Naveen Kasturia kaaso jaceyl u qaadaayo Adah Sharma inta aysan marin qaliinka ay ku noqonayso nin

iyadoo Adah Sharma markii hore ay si weyn ula yaabtay doorkan ay filimkan ku jilayso laakiin waxaa doorkan markii dambe ku qaniciyay Director ka filimkan ninka lagu magacaabo Abir Sengupta waxaana filimkan lagu soo dari doono qaybo ka mid ah shactiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here