Atariishada sameysay aflaanta ka baxa TV-yada ee Divvya Chouksey ayaa lagu soo warramayaa inay u geeriyootay xanuunka kansarka, waxaana geerideeda barta Facebook ku xaqiijiyay gabadha adeerkeed uu dhalay ee Soumya Amish Verma.

Soumya ayaa sheegtay in Divvya ay jilliinka kusoo baratay magaalada London caasimadda dalka England, iyo inay kusoo shaqeysay xirfadda Model-ka si la mid ah filimada iyo musalsallada ka baxa TV-yada. “Xanuun badan ayay i dareensiineysaa inaan dhammaantiin idin ogeysiiyo in ina adeertey Divvya Chouksey ay u geeriyootay kansar iyadoo aad u yar” ayay barteeda Facebook kusoo qortay Soumya.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Divvya ay qaybta story-ga ee barteeda Instagram kusoo qortay farriin ay ka muuqato rajo-beel ku aaddan sii noollaashiyaheeda iyo inay dul saarran tahay sariirta meydka lagu qaado.

“Ereyo kuma filna inaan kusoo gudbiyo waxaan rabo inaan idiin sheego, ha badnaadaan, ama ha yaraadaan, waxaana ka gambanayay inaan idiin soo gudbiyo farriintan culus, waana waqtigii aan idiin sheegi lahaa, waxaan saaranahay sariirta meydka.

Wax aan wanaagsanayn ayaa socda, balse waan yara awood roonahay. Waxaa i sugeysa nolol aan dhibaato dambe lahayn, su’aal ha i weydiinina fadlan. Kaliya Alle ayaa og qiima aad igu leedihiin.” Ayay soo dhigtay Instagram saacado ka hor geerideeda.

Waxaa qoray Axmed Nuur Cabdi Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here